Sign in to follow this  
Deeq A.

“Askariga Dhaqanka Xun Waxa Aanu U Mustaafurin Doonaa Soomaaliya Halkaa Ayaa Looga Baahan Yahay…” Madaxweynaha Uganda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Uganda)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa mar kale tusaale la yaab leh u soo qaatay dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay meel laga jecel yahay dhaqan xumadda iyo gardarada.

201939636876895783291686_88302377_gettyi


Mar uu ka hadlay Askari Uganda u dhashay oo dhawaan la sheegay in uu dharbaxaay haweeney ka tirsaneyd isla ciidammada Uganda in loo masaafurin doono Soomaaliya oo sida uu hadalka u dhigay ah halka laga jeceli yahay dhaqan xumada noocaa oo kale ah.


“Askari in uu dumar dharbaaxo ama ku qeyliyo qof reer Uganda ah waa wax aan laga aqbalikarin, waana gafweyn oo Bulshadda ceeb ku ah, Askarta aan la heyn Asluubta wanaagsan oo aan bulshadda la dhaqmikarin, waxaana u direynaa Soomaaliya oo ah meesha dhaqan xumadda siddaan oo kale ah looga baahan yahay,’’ ayuu yidhi madaxweyne Museveni.

Madaxweynaha Uganda ayaa horey ugu tilmaamay Soomaaliya meel aysan ka jirin dowlad maamusha, taa oo ka careysiisay dad badan oo Soomaaliyeed, waxaana hadalkaa jawaab ka bixisay dowladda Soomaaliya oo ku tilmaamtay Museveni ‘’ Qof iska Hadlay’’

Laakiin waxaa muuqata in mar kale madaxweynuhu tusaale u soo qaatay Soomaaliya oo uu ku tilaamay meel Askarteedu aysan aqlaaq laheyn, isaga oo ugu goodiyay Askariga Uganda u dhaqashay ee ku kaca fal anshaxa ka baxsan loo diri doono Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this