Deeq A. Posted March 9, 2019 Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku dhawaaqay guddi heer wasiirro ah oo Aas Qaran u diyaariya wasiir C/raxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday Dubai. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Ra’iisul wasaaraha ayaa ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay uga tacsiyeeyey geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites