Deeq A. Posted March 9, 2019 Muqdisho (SMN ) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha M/ Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Guri ku yaalla xaafadda Nasrudiin ee degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan lagu diyaarinayay Gurigaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo gabi ahaan la wareegay hoyga uu qaraxu ka dhacay. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo looga shakisan yahay qaraxaasi. Xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa kormeer ku tagay meesha ay wax ka dhaceen, balse kama aysan hadlin qaraxaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, iyadoona ciidamada ammaanku weli baaritaano dheeraad ah ay ka wadaan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites