Deeq A. Posted March 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Waxaa saaka meydka wiil dhalinyaro ahaa lagu arkay qeybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho. Meydka marxuumka ayey dadka deegaanku ku soo waabariisteen isaga oo oo yaalla luuq ku dhegan hotel Kuwiat Place ee waddada Maka Al-mukarama. Shabelle oo booqatay goobta uu yaallo Meydka ayaa waxa ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen in koronto ay dishay ninkaasi oo da’diisa lagu qiyaasay 25 illaa 30 jir. Saraakiil ka tirsan kuwa laamaha amniga iyo shaqaale ka socday shirkad dhinaca korontada ayaa gaaray halkaasi, balse weli lama garan waxa uu yahay shaqsigaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites