Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo baajiyay safar uu ku tagi lahaa Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa baajiyay safar lagu waday in uu ku tago M/Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ujeedada uu safarkaasi kaga baqday ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeyb galka Aaska Marxuum Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta.

Wafdi Wasiiro ah oo loo xil saaray Aaska Wasiirka ayaa ku howlan diyaargarowga iyo soo qaadista meydka Wasiirka.

Xubnaha Guddigan ayaa kala ah.

1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed

2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad

3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow

4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre

5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle

6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame

7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-cabdiqani-.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this