Deeq A. Posted March 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS Xasan Cali Khayre ayaa baajiyay safar lagu waday in uu ku tago M/Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland. Ujeedada uu safarkaasi kaga baqday ra’iisul wasaare Khayre ayaa lagu sheegay in ay tahay ka qeyb galka Aaska Marxuum Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo shalay ku geeriyooday dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Wafdi Wasiiro ah oo loo xil saaray Aaska Wasiirka ayaa ku howlan diyaargarowga iyo soo qaadista meydka Wasiirka. Xubnaha Guddigan ayaa kala ah. 1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Fuuleed 2-Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Ciise Cawad 3-Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow 4-Wasiirka waxbarashada Mudane Cabdullaahi Goodax Barre 5-Wasiirka Warfaafinta Mudane Daahir Maxamuud Geelle 6-Wasiirka Kalluumeysiga Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame 7-Wasiir ku xigeenka Dastuurka Mudane Xuseen Cabdi Cilmi Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/Cod-cabdiqani-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites