Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo qabatay nin ku biiri rabay Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera (SMN) – Booliska magaalada Mandera ee gobolka woqooyi Bari dalka Kenya ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen nin qorsheenayay in uu gudaha u galo Soomaaliya,si uu ugu biiro Al Shabaab.

Ninkan oo 53 jir ah ayaa magaciisa lagu sheegay Backstone Agaro waxayna tilmaameen Booliska Mandera in xabsiga lagu heyn doono muddo todobaad ah,si baaritaano dheeraada loogu sameeyo dacwaddiisa.

Dadka deegaanka ayuu Mr Agaro weydiiyay sida ugu fudud ee lagu gali karo gudaha Soomaaliya, laakiin durba dadkii uu la hadlay ayaa wargaliyay laanta la dagaalanka Argagixisada dalka Kenya, iyagoo sheegay in ninkaasi ay uga shakiyeen in uu basaas u yahay Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in ninkani uusan wadan wax taleefan ah, si laamaha ammaanka aysan ula socon dhaqdhaqaaqa safarada uu galayo.

Sidoo kale sarkaalkani ayaa in ninka ay qabteen  uu watay Buug ay ku qoran yihiin ku dhawaad 30 magaalo oo dalka Kenya ka tirsan oo uu booqday,balse uusan sharaxaad ka bixin sababta ka dambeysa safarada uu ku tagay magaalooyinkaasi.

Ha’aydaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa wada howgallo lagu xaqiijinayo amniga,si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gudaha dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this