Deeq A. Posted March 9, 2019 Buulo-Mareer (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Al Shabaab iyo ciidanka DFS ku dhexmaray deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Sh/Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ay ku qaadeen fariisin ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in dagaal xoogan oo la’isku adeegsaday hubka nuuacyadiisa kala duwan uu ka dhacay halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac. Inta badan Al Shababa ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaqaaq ah ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites