Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS Oo shaacisay in Beri la keenayo Meydka Wasiir Xoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka ee XFS Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa ku dhawaaqay in maalinta beri ah la keenayo dalka Meydka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa wasiirkii Dastuurka Soomaaliya.

Dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in Aas Qaran oo ay ka qeyb gali doonaan madaxda ugu sarreysa dalka Marxuumka loogu sameyn doono magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in wasiirku uu ahaa halyey Qaran oo ka baxay dhammaan Ummadda Soomaaliyeed.

Allaha u naxariistee C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa shalay ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta , kadib markii uu ku soo booday xanuun deg-deg ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this