Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay meydka wiil dhalinyaro ah oo laga helay Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya meydka ruux dhalinyaro ah oo lagu arkay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sida xaalkiisa uu ku dhacay.

Wararka qaar ee soo baxaya waxay sheegayaan in ruuxaasi loo  badinayo inuu kamid ahaa dadki waxyeelada ay kasoo gaartay qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in ruuxaasi uu doonayay inuu mid kamid ah baalayaasha korontada uu qalab ka furto balse ay korontada qabatay, halkaasina uu ku geeriyooday.

Waxaa dadka qaar ee bar gartay ay sheegeen inuu ahaa dadka cuna haraadiga Khaadka islamarkaana loo malaynayo inay korontada dishay.

Lama hayo faahfaahin dheeraad ah waxaana sidoo kale jirin masuuliyiin ka tirsan dowladda oo arintaan ka hadlay.

Meyd.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this