Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi oo safar degdega u baxaaya+Dalkuu ku jiheysan yahay & Ujeedada Safarkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeisa-(Qaran-news)-Sida ilo wareedyo u dhuundaloola Qasriga iyo Qoyska Madaxtooyada Somaliland u xaqiijiyeen warfidiyeenka Qarannews, Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaayo ayaa maanta u baqooli  doona Dalka UAE.

mb-300x169.png

Xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay waxay kaloo tibaaxayaan in ujeedada safarkiisa Muuse Biicixi daaran tahay inuu soo saxeexo Heshiiska Saldhiga ciidamada Berbera DalkaUAE ka dhisanaayo oo gebogebo ah,lana filaayo inuu ku dhamaado muddo  Sadex bilood gudahooda.

Muuse Biixi Ayaan waxba kala socon Qodobada Heshiiska Saldhiga Milateri ee UAE ka dhisanayso Berbera  oo Xukumadii Siilanyo gashay,Ku darsoo Golayaasha Qaranka iyo Shacabka ayaa laga qariyey Mucda Heshiiska ama wixii lays dhaafsaday.

Geesta kalena waxaa jira xoggo isa soo taraya oo warfidiyeenka Qarannews ku soo shubmaaya oo sheegaya in Muuse Biixi UAE Kula yeelan doono Farmaajo Kulan xasaasiya oo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed gadhwadeen ka yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this