Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo shaaciyey go’aan la xiriira ciidamada ka jooga gudaha Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Jeneral Thomas Waldhauser ayaa ku dhowaaqay in dhimista ciidamada Mareykanka ee Afrika aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Soomaaliya.

Jeneral Waldhauser oo la hadlayey congress-ka ayaa sheegay in howl-gallada Soomaaliya iyo Libya ee ka hor-tagga argagixisanimada ay muhiim u yihiin Mareykanka, islamarkaana ahaayeen kuwa miro dhal ah.

“Waan ka fogaan doonnaa inaan wax dhimis ah ku sameyno ciidamada Soomaaliya iyo Libya, sababtoo ah dagaal ka hor-tagga argagixisanimada ee halkaas waa mid aad wax ku ool u ah” ayuu yiri madaxa AFRICOM.

Mareykanka ayaa sanadkan oo kaliya Soomaaliya ka fuliyey 24 weerar oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu dilay 236 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab. Sanadii 2018 waxaa duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya lagu dilay 338 mintidiin ah.

Mareykanka ayaa la rumeysan yahay in Soomaaliya ay ka joogaan ku dhowaan 500 oo askari, oo isugu jira ciidamada howl-gallada gaarka ah fuliya iyo saraakiil tababarka ka caawiya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Inta badan ciidamada Mareykanka ayaa waxa saldhigoodu yahay xarunta Xalane, iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo garoonka Balli-Doogle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this