Sign in to follow this  
Deeq A.

‘Farmaajo iyo KHEYRE oo isku qabtay xiisadda Kenya iyo la-kulankii Kenyatta’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska warbixinada sirdoonka qora ee Africa Intelligence ayaa qoray in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay isku khilaafeen go’aankii Farmaajo ku tagay magaalada Nairobi ee uu kula kulmay Uhuru Kenyatta.

Wargeyska ayaa sheegay in Kheyre uu madaxweynaha u caddeeyey fikirkiisa ah inuu kasoo horjeedo kulankan oo ujeedkiisu ahaa in lagu qaboojiyo xiisadda diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya.

Warbixintan ayaa sheegtay in Xasan Cali Kheyre uu doonayey in Kenya aan loo muujin wax dabac ah, oo Soomaaliya ay muujiso inaan la handadi karin.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegay inuu ka walaacsanaa dhex-dhexaadinta ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo in xiisadda labada dal lagu dhammeeyo hanaan diblomaasiyeed.

Sida warbixinbta ay tiri, Farmaajo ayaa waxaa taageeerayey oo cadaadis kaga imanayey siyaasitiinta beesha Daarood ee ku jira dowladda Kenya, oo uu ka mid yahay guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale, kuwaas oo doonaya inu xiisadda labada dal wada-hadal lagu dhamneeyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this