Deeq A. Posted March 8, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa goor dhaw oo caawa ah waxa uu ka dhacay Degmada Hawlwadaag, gaar ahaan guri ku yaalla meel ku dhaw wadada Warshadaha halka loo yaqaano EVECO. Qaraxan oo aad u xooganaa ayaa sababay inay argagax dareemaan shacabka reer Muqdisho oo isku diyaarinayay xilliga hurdada. Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay in qaraxan uu ka dhex dhacay guri lagu diyaarinayay. Ciidamada ammaanka oo durba ku baxay falkan ayaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan laba nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka guriga degan. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa tagay halkaasi, si ay u soo qaadaan hadii ay jiraan dad ku waxyeeloobay Qaraxan. Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan oo laga maqlay Degmooyinka Gobolka Banaadir. Khamiistii ina dhaaftay oo ugu dambeysay Mintidiinta Al Shabaab ayaa gaari qarax lagu soo raray ku weeraray mid ka mid ah baraha Kontorool ee Madaxtooyada Somaliya, kaasi oo geystay khasaare kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites