Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Kheyre oo baajiyey safarkii Kismaayo ee berri

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaraaha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa baajiyey safar la qorsheeyey in maalinta berri ee sabtida ah uu ku tago magaalada Kismaayo, sida xafiiskiisa uu u xaqiijiyey Caasimada Online.

Kheyre ayaa la sheegay inuu safarkiisa u baajiyey tacsida iyo ka qeyb-galka aas qaran oo berri Muqdisho loogu sameynayo wasiirkii dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo maanta ku geeriyooday magaalada Dubai.

Safarka Kheyre ee Kismaayo ayaa hadda la qorsheeyey inuu dhaco maalinta axadda ah.

Kheyre ayaa Kismaayo u tagaya wada-hadallo dowladda ay la yeelaneyso Axmed Madoobe oo wararku ay sheegayaan in la filayo in labada dhinac ay isku afgartaan kuna heshiiyaan kadib khilaaf mudddo soo jiray.

Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah oo dhinaca wadnaha ah kusoo booday.

Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa, sida ay xubno ka tirsan dowladda federaalka u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this