Sign in to follow this  
Deeq A.

Rasaas lagu furay munaasabad ka socotay Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN) – Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu dhintay, mid kelana uu ku dhaawacmay markii rasaas lagu furay munaasabad ay kaga qaybgaleen magaaladda Baardheere ee xarunta gobolka Gedo.

Munaasabada oo uj soo qaban-qaabiyay maamulka degmadda ayaa looga hadlayey sidii ay u wadashaqeyn lahaayeen shacabka iyo mas’uuliyiinta oo dhowaan loosoo magacaabay degmadaasi.

Illo degaanka ah ayaa u xaqiijiyay idaacadda Shabelle in labada qof ee wax ku noqotay tacshiirada la hubiyay munaasabada ay yihiin kuwa rayid ah.

Weerarka ayaa la sheegay in ay geysteen maleyshiyaad ka amar qaata mas’uuliyiin ka biyo diidan xilka qaadis lagu sameeyay, oo kamid yahay Ismaaciil Sheekh Cabdi, gudoomiye ku xigeenkii hore Baardheere.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadaan oo illaa iyo haatan kasoo baxay maamulka degmada Baardheere oo hoostagta dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale dhinaca kale ee lagu eedeeyay falkaan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this