Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka tacsiyeysay geerida Xoosh iyo dilka nabadoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay nabadoon caan ah oo maanta lagu dilay magaaladda Boosaaso.

Oday dhaqameedka oo lagu magacaabayey Bashiir Muuse Koonte ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyay dabley hubeysan.

Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa faray laamaha amaanka in ay soo qabtaan raggii khaarijiyay Suldaanka.

Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehelada iyo asxaabta wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday.

Marxuum Cabdi Xoosh Jibriil ayaa ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, halkaasoo la dhigay xalay markii uu xanuun kusoo booday.

Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka ah iyo kuwa maamul goboleedyada qaarkood ayaa ka si lamid ah ka tacsiyeeyay dhimashada Xoosh.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this