Deeq A. Posted March 8, 2019 Warar ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in magaalada Dubai ee dalka isku-tagga Imaaraadka Carabta uu ku geeriyoodey Allaha u naxariistee wasiirkii Dastuurka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil. Xoosha ayaa maalmahan ku xanuunsanayey halkaasi isaga arrimo caafimaad uu u joogay Dubai. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray, wuxuuna hadda ahaa wasiirka Dastuurka. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites