Deeq A. Posted March 8, 2019 Abu Dubai (SMN) – Alle ha u naxriistee waxaa Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee Isu tagga Imaaraadka ku geeriyooday Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wasiirkii Dastuurka ee xukuumada Soomaaliya. Maxamed Abuukar Zubeyr, agaasimaha guud ee wasaarada Dastuurka xukuumada federaalka ah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku xaqiijiyay dhimashada wasiirka. Agaasimaha ayaa intaasi ku daray in Ex-wasiir Xoosh uu u dhintay xanuun uu mudooyinkii dambe la tacaalayey. Mr Zubeyr ayaa tacsi u diray dhamaan ehelka iyo asxaabta Ex-wasiir Xoosh, kaasi oo xilal dhowr ah kasoo qabtay dowladihii ugu dambeeyay ee dalka kadib burburka haatan laga soo kabanayo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites