Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino kasoo baxaya Nabadoon lagu dilay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (SMN) – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nabadoon caan ahaa oo duhurnimadii maanta lagu dilay magaaladda Boosaaso.

Dilka oday dhaqameedka oo lagu magacaabayey Bashiir Muuse Koonte ayaa la sheegay in ay ka dambeysay dabley hubeysan.

Marxuum Bashiir ayaa xiliga la dilayey la sheegay in uu kusii jeeda Masaajidka Tabaarak ee ku yaalla xaafada Laaanta Hawada ee caasimada gobolka Barri.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii falkaan geystay ay durba ka baxsadeen meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamada amaanka ayaa soo gaarey halkaasi, kuwaasi oo aanan wali wax tafaasiil ah ka bixin dhacdadaasi.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falka lagu khaarijiyay nabadoon Bashiir Muuse Koonte.

Alle ha u naxriistee, nabadoon Bashiir Muuse Koonte ayaa kamid ahaa hogaanka isimada ee maamul goboleedka Puntland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this