Sign in to follow this  
Deeq A.

RW Khayre oo ka tacsiyeeyay geerida wasiir Xoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa ka tacsiiyey geerida ku timid wasiirkii Dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

“Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo eheladii uu ka baxay Wasiirkii Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,” ayuu yiri Khayre.

Ex-wasiir Xoosh oo ku dhintay isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ayaa la sheegay in uu xalay xanuun kusoo booday, sidaasna uu u dhintay.

“Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo,” ayuu raaciyay wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ahaa siyaasi caan ah ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumada dalka soo maray.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this