Deeq A. Posted March 8, 2019 Muqdisho (SMN) – Warsaxaafadeed ay so saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee boqortooyada Bahrain ayaa si kulul loogu cambaareeyay qarax xooggan oo shalay ka dhacay naxaawiga isgoyska Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho. Inta la xaqiijiyay afar ruux ayaa qaraxaasi ku geeriyooday halka tiro intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. Boqortooyada Bahrain ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku dhintay halka ay caafimaad degdeg ah u rajeysay dadkii ku dhasaawacmay weerarkii Muqdisho. Sidoo kale, boqortooyada Bahrain ayaa balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ka taageeri doonto hormar dhanka amaanka ah,si loo helo xasilooni dhameystiran. Mas’uuliyadda weerarkii Muqdisho shalay ka dhacay waxaa sheegtay Al-shabaab oo bishii la soo dhaafay weerar qasaaro geystay ku qaaday dhismayaal ku yaalla wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama. View the full article Share this post Link to post Share on other sites