Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo war kasoo saarey howlgalkiisa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Howlgalka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in qorshaha ay ciidamadooda uga dhimayaan qaar kamid ah wadamada qaaradda uusan saameyn doonin Soomaaliya iyo Libya.

Taliyaha AFRICOM, Thomas Waldhauser ayaa xusay in sanadka 2020 ay ciidamadooda ku sugan Afrika laga dhimi doono 300 askar.

Mr Thomas ayaa sidoo kale tibaaxay ay sii wadi doonaan duqaymaha diyaaradeed ay ka fuliyaan dalalka Libya iyo Soomaaliya, kuwaasoo ay ku beegsadaan fariisimaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Mareykanka ayaa waxaa guud ahaan qaarada Afrika ka jooga 6,000 oo askari kuwaasoo 500 oo ka mid ah ay ku sugan yihiin Soomaaliya, isla markaana qaada howlgalada qaas ah, iyaga oo kaashanaya kuwa ciidamada xooga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this