Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan lagu dilay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15520392713975010.jpg?w=1000&ssl=Marxuum Sudan Bashiir

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta oo Jamce ah halkaasi lagu dilay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa isimada dhaqanka Puntland.

Suldaanka ayaa nin hubaysan ku dhex dilay masjidka Mubaarak oo ku yaalla xaafadda Laanta-hawada ee magaalada Boosaaso waxaana suldaanka oo dhaawac culus soo gaaray loola cararay isbitaal halkaasoo uu ku geeriyooday.

Ciidamada amniga Boosaaso oo gaaray halka weerarku ka dhacay ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala masjidka balse weli ma cadda in dilka suldaanka cid loo qabtay iyo in kale.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka inkastoo weerarro sidaan u eg ay fulliyaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

PUNTLAND POST

The post Suldaan lagu dilay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this