Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Dastuurka Dowladda Somalia oo ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dubai – UAE

Recommended Posts

Deeq A.   
Xoosh-1-1.jpg?w=1000&ssl=1

Dubai (PP) ─ Wasiirkii Dastuurka Somaila, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa ku geeriyooday goor-dhaw isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, kaddib xanuun lama filaan ah oo kusoo booday.

Marxuum Xoosh ayaa la sheegay in xanuun aan la filayn oo dhanka naqaska ah uu kusoo booday, dadaal badan kaddibna uu maanta baqonimadii uu ku geeriyooday isbitaalkii xalay la dhigay.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Somalia, C/raxmaan Goodax Barre oo la joogay Dubia ayaa qaybaha warbaahita u xaqiijiyay geeridiisa, wuxuuna sheegay inay arrimo qoys u joogeen Dubai.

“Aniga iyo Wasiirka waxaan u joognay Dubai guurka gabadhiisa, basle nasiib-darro ayaa dhacday, wuuna geeriyooday,” ayuu yiri Wasiir Goodax oo intaas ku daray maydkiisa loo qaadi doono Muqdisho si loogu aaso.

Dhanka kale, Wasiirka geeriyooday  ayaa wuxuu ka mid ahaa wasirrada xukuumadda Somalia ugu firfircoon, isagoo dadaal weyn u galay sidii dib u eegis iyo dhameystir loogu sameyn lahaa dastuurka dalka oo uu sheegay in uu yahay midka lagu maamuli doono dalka.

Ugu dambeyn, Marxuumka ayaa wuxuu sannadihii lasoo dhaafay ka mid ahaa xildhiabannada baarlamaanka Somalia, wuxuuna inta badan si aad ah u mucaaradi jiray xukuumadaha uusan ka mid ahan.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii Dastuurka Dowladda Somalia oo ku Geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dubai – UAE appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this