Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15520426874638193.jpg?w=1000&ssl=Cabdiraxmaan Xoosh oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa goor-dhaweyd magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka iyo arrimaha Federaalka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh ayaa Dubai u joogay arrimo qoys, waxaana sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa uu u geeriyooday xanuun xalay ku soo booday.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh ayaa ka soo jeeday deegaanada Puntland, wuxuuna xillal kala duwan ka soo qabtay Federaalka.

Madaxda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil

Ilaa iyo hadda go’aan lagama gaarin meesha lagu Aasi doono Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

PUNTLAND POST

The post Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this