Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaaciyay sawirrada weerarkii lagu qaaday Gamboole (Arag)

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa ka hadlay weerarkii ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen deegaanka Gamboole ee duleedka magaalada Jowhar.

Al Shabaab ayaa sheegay inay iska difaaceen weerar kaga yimid ciidamada Bangaraafka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ajaaniibta maadaama sida ay sheegeen ay hayeen xogta weerarka la xiriirta.

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayay sheegeen inay ku degeen meel u dhow deegaanka kadibna ay isku dayeen inay gudaha u galeen, balse ciidamada Al Shabaab ka hortageen, sida Al Shabaab sheegeen.

Deegaanka Gamboole ayaa qiyaas ahaan 50 KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar, waxaana sawirada Al Shabaab ay ku sheegeen inay ahaayeen waxyeelo rayidka soo gaartay.

Al Shabaab ayaa sheegay in labo ruux oo rayid ah ku geeriyoodeen weerarka ciidamada Mareykanka, waxaana dhankooda ay sheegeen inay dileen xubno ka tirsan ciidamada huwanta ee weerarka ka dambeeyay.

Al Shabaab ayaa sheegay in weerarka kadib saaka asmaato badan oo ciidamada huwanta lahaayeen lagu arkay deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

B.jpg C.jpg D.jpg E.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this