Deeq A. Posted March 8, 2019 Baydhabo (SMN) – Xukuumada Soomaaliya ayaa taageero dhinaca amniga u balanqaaday maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Cabdullaahi Xaamud, wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka ayaa shaaciyay in tani ay qayb ka tahay tubta amniga qaranka. Xaamuud ayaa hadalkaan sheegay kadib markii uu shalay magaaladda Baydhabo uga qeybgalay shirka gollaha wasiirada maamulkaasi. Shirka oo uu guddoomiyay madaxweyne Lafta Gareen ayaa lagu soo bandhigay Halbeegyada tubaha qaranka iyo hannaanka tubuhu u shaqeeyaan. Wasiir Xaamuud ayaa intaasi ku daray in dhammaan dawlad gobaleedyada kale laga qayb gelinayo dhaqan gelinta Halbeegyada tubaha qaranka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites