Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kusii jeeda Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu saacadaha soo aadan u dhoofi doono magaalada Kismaayo.

Khayre iyo wafdi uu horkacayo oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa la filayaa in caasimada maamulka Jubbaland si wayn loogu soo dhaweeyo.

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ayaa la rajeynayaa in uu xarun goboleedka Jubadda Hoose kula kulmo madaxda maamulkaasi.

Amaanka magaalada ayaa sare loo qaaday iyada oo wadooyinka qaar lagu arkayo ilaalada ra’iisul wasaaraha oo halkaasi shalay tegay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this