Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kumaandooska DF oo weeraray Saldhiga ugu weyn Al Shabaab ee Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online)-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa xalay saq dhexe weerar qorsheysan ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala eegtay saldhiga Al Shabaab ay ku leeyihiin Shabeelaha Dhexe oo ah kan ugu weyn ee ay ku qaadaan xukunada kala duwan, waxaana la sheegay in khasaaro uu gaaray, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Hirshabeelle.

Weerarka ayaa waxaa barbar socday duqeyn diyaaradaha dagaalka ay ka fuliyeen deegaanka, waxaana lagu waramayaa in lagu dilay ku dhawaad 10 ruux oo ay ku jiraan saraakiil Al Shabaab ah.

Xaalada deegaanka Gamboole ayaa saakay ka duwan sidii shalay,waxaana la sheegay in Al-Shabaab dhankooda ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan maadaama xalay weerar cir iyo dhul ah ay deegaankaasi xalay ku qaadeen Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Mareykan ah.

Ciidamada huwanta ah ayaa la sheegay inay u degteen deegaanka, halkaasi oo weerar iska hor imaad ahaa uu ka dhacay, waxaana beegsiga weerarta uu ahaa saldhig ciidamada Al Shabaab ku leeyihiin deegaanka.

Al Shabaab ayaa deegaanka Gamboole ku qaada xukunada kala duwan ee deegaanada Shabeelaha Dhexe, waxaana dadka looga yeeraa deegaankaasi marka ay dhaqaalo ka doonayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Sh/Dhexe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this