Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo iyo Kheyre ayaan ka dooneynaa inay noo dhiciyaan qoondada Puntland Xaqa u leedahay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay Puntland ku wareejiso qoondada kaga soo aadeyso tirada xujeyda Soomaaliya loo qorsheeyay sanadkaan.

Wasiirka diinta Puntland Cawil Sheikh Xaamud oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Garowe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka sugayaan inay ku wareejiso qoondada Puntland ay gaar u leedahay.

Wuxuu sheegay in sanadkaan Soomaaliya loo qorsheeyay 11,500 oo xujey Soomaaliyeed ah, islamarkaana ay sugayaan inay toos u helaan qoondadooda, isagoo cadeeyay inay iyaga maamulan doonaan xujeydooda.

Cawil Sheikh, ayaa sheegay inaysan dooneyn in shirkado gaar ah ay maamulaan xujeyda ka tageysa Puntland oo uu sheegay in lagu dayaco Sacuudiga marka la geeyo.

“Waxaan oga fadhinaa wasaaradda federaalka ee Diinta iyo Awqaafta inay nagu soo wareejiso qeybtii Puntland ka soo gaari laheyd tirada xujeyda, waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha inay arintaan si xoog leh kaga shaqeeyaan”

“Puntland ayaa maamuleyso dadkeeda, iyadaa diyaarado u keesaneysa iyadaa la imaaneysa sidii dadkaasi loo geyn lahaa Sacuudiga, anaga ma dooneyo waxaanan laheyn ee waxaan dooneynaa inaan helno waxaan xaqa u leenahay”ayuu yiri wasiirka Diinta Puntland.

Sanadkii hore ayaa dhibaatooyin badan laga maray gudashada waajibaadka xajka, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka hareen inay soo xajiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this