Deeq A. Posted March 7, 2019 Muqdisho (SMN)- Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay bar koontarool oo ku talla agagaarka isgoyska Xaawa Taako. Goob joogayaal la hadlay Shabelle ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay afar ruux ku geeriyoodeen tira intaasi ka badana uu dhaawac ka soo gaaray. Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya kau leeyihiin afaafka hore ee isgoyska xaawa taako ee magaalada Muqdisho. Al-shabab ayaa barahooda internet-ka ku sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkaasi,isla markaana ay ku dileen askar ka tirsan madaxtooyada Soomaaliya View the full article Share this post Link to post Share on other sites