Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad lasoo taagay rag loo haysto qaraxyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Maxkamada ciidamada qalabka sidda e Soomaaliya ayaa waxaa maanta lasoo taagay labo eedaysane.

Eedaysanayaasha ayaa kala ah; Canshuur Cusmaan Abuukar iyo Maxamed Cali Barrow Aadaan.

Canshuur iyo Maxamed ayaa lagu eedeeyay in ay wax ka ogaaayeen weeraro iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Weerarada la sheegay in ay ku lug lahaayeen ayaa ka kala dhacay; Tiyaartaka qaranka, Hotel Saxafi, Daljirka Daahsoon iyo xarunta degmada Howlwadaag.

Sidoo kale, labada eedaysane ayaa wajahaya dacwad ku aadan dilal qorsheysan oo ka dhacay magaaladda caasimada ah.

Xasan Cali Nuu [Shuute], gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka ayaa ka dalbaday xeer-ilaalinta in ay keento caddeymaha ay u haysto kiisaskaan.

Ugu dambeyntii, Shuute oo soo xiray fadhigii lagu dhageystay eedaymaha ka dhanka ah raggaan ayaa sheegay in fadhiga labaad dib laga soo sheegi doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this