Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe Oo Beesha Caalamka U Gudbiyay Dalab Ah Inay Soo Faro-Geliso Siyaasadda Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe, ayaa beesha caalamka ka codsadey in ay soo faro-geliso siyaasadda Somaliland oo muddooyinki dambe la isku mari la’aa arrimo khuseeya Doorashooyinka oo ay ku kala aragti duwan yihiin Xisbiyada dalku.

faysal.jpg

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Wargeyska Waaberi, ayaa sheegaya in guddoomiye Faysal uu beesha caalamka ka codsadey in ay faro-gelin ku soo sameyso arrimo ah muranku ka taagan yahay isla mar ahaantaana xal loo helo muranka ka taagan arrimaha Doorashooyinka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Faysal uu warkan ka sheegay kulan maalin ka hor magaalada Hargeysa ku dhex-maray diblomaasiyiin ka socdey wadamada EU da oo kulamo la qaatay saddexda Xisbi qaran ee Somaliland, waxaana uu u sheegay in saddexda Xisbi ee dalka ka jiraa ay isku fahmi la’ yihin arrimaha muranku ka taagan yahay ee ay ugu horreyso kala dirista xubnaha komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Dhinaca beesha caalamka ayaan wax jawaab ah ka soo bixin codsiga Faysal Cali Waraabe, waxaana weli taagan muranka dhinacyada ee Doorashooyinka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this