Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydka Nin Soomaali Ah Oo Laga Helay Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Oslmted)-Booliska magaalada Olmsted ee ka tirsabn Gobalka Minnesota ee dalkaasi ayaa sheegay inay heleen maydka Nin Soomaali ah oo ay dhaawacyo rasaaseed ka muuqdeen.

MAYDKA-MUWAADIN-SOOMAALI-OO-LAGA-HELAY-M

Booliska ma sheegin magaca Marxuumka, balse waxay tilmaameen inuu da’da Labaataanka ku jiray.

Maamulayaasha Deegaanka waxay sheegeen inay ka war sugayaan inay xaqiijin ka helaan Waaxda Dembi-baarista Gobalka Minnesotaiyo Xafiiska Minnesota ugu qaabilsan Baaritaanka Daawada si ay u caddeeyaan qaabka loo dilay Marxuumkaasi.

Boliska waxay sheegeen in maydka Marxuumka laga helay gaari dhexdiisa, mana jirin dad kale ama gaadiid kale oo ku sugnaa Deegaanka laga helay Marxuumka.

Kevin Torgerson oo ka tirsan Mas’uuliyiinta Olmested ayaa wax laga weydiiyey inuu dilkaasi ahaa fal is-dilid ah waxa uu ka gaabsaday arrintaasi , isago oshaki buuxa ka muujiyey geerida Marxuumkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, haddii geerida Marxuumkaasi la sheegay inu u ahaa Fal Is-dil ah, waxa uu noqon doonaa dilkii ugu horreeyey ee ka dhacay sannadkan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this