Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbeddel Keen

Recommended Posts

Deeq A.   

Isbeddel Keen:- W/Q Rakad Mxd Sultan

Haddii aad Nolosha Isbeddel ka doonneysid Waxaan dadku Raadin raadi, waxaan laga fikirayn ka fikir, waxaan la aqoon ka fikir, wax caqligal ah se la awoodi karo ka fikir, ka dibna Qiimee, Dhinacyo badan ka rogrog, qorshee wakhti kama dambays ahna u sammee, ka dibna ku dhaqaaq. Waxkastoo Adduunka Yaalla rag baa u fikiray adigu i fikir siday u fikireen ka dibna Gaadh oo dhaaf halkay Gaadheen. Waxa loo ordayaa waa wax cusub soo kordhi iyo wax la qalday Toosi taasna waxa waxa maanta lagu kala horreeyo.
Haddii hankaagu yahay Heer iyo Horumar Markasta Yeelo wax aad jeceshay oo aad rabtid innaad ka guul gaadhid, waxaasina ha noqdaan wax Baahi loo qabo, waxna ka taraya nolosha caadiga ee socota ee casriga ah.

Halganka Noloshu qofba Meel buu saaraa, qofna wuu sarraysiiysa qofna waa Hooseysiiyaa Haddii Alle meel fiican ku gaadhsiiyay Hoos u eeg kuwa Nolosha Hoose haysta, Caawi, wacyi gali, Nolosha ugu saxsanna u Tilmaan si ay kuugu daydaan una hoga tusaalee.

Haddii Aad naftaada un ka fikirtid Heerkaad gaadhid maaha mid dhammaystiran si uu u dhammaystirmo Dadka Hareerahaaga Daadsan ka fikir sidii aad Nolosha uga caawin lahayd ee aad intay kaa dareemayaan ugu caawin lahayd.

Nolosha Khayrkeeda iyo wanaageeda Wehel ka dhigo, xaggeeda xuna Albaab adag ku tiiri kuna Quful.

Markasta iyo Meelkasta Alle Talo Saaro kuna Kalsoonow Natiijadda Alle dhehna Alxamdullilaah si Alle kuugu farxo.

Mahadsanid.

Rakad Mxd Sultan.
Dhiirrigaliye Nololeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this