Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Wasaaradda haweenka Puntland oo qabatay kulan loogu gogol xaarayo 8-da Maarso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland ayaa maanta Garoowe Ku qabatay kulan wada tashi ah oo looga hadlayey caqabadaha haweenka haysta islamarkaana loogu Gogol xaarayey xuska maalinta caalamiga ah ee haweenka adduunka ee ku beegan 8-da Maarso sannad walba.

Kulankan ay soo agaasintay wasaaradda haweenka Puntland oo kaashanaysa mashruuca TIS PLUS ee ay maal-gelisay hay’adda USAID ayaa waxa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta wasaaradda ee dhammaan sagaalka gobol ee Puntland, xubno ka socday ururweynaha haweenka Puntland ee sagaalka gobol qaar kamid ah gabdhaha ku jira golayaasha degaanka degmooyinka Puntland iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland Maxamed Cabdirisaaq oo sharraxaad ka bixiyay kulanka ayaa sheegay in ujeedka u weyn ee shirkan loo aabtay yahay in laga wada-tashado caqabadaha hor-taagan haween weynaha Puntland.

Guddoomiyaha ururka haweenka Puntland ee gobola Nugaal Faadumo Axmed Nuur Beergaal ayaa dhankeeda kulanka ka sheegtay in shirkan muhiin u yahay soo bandhigidda xogta rasmiga ah ee cagabadaha haysta haweenka Puntland iyo xal u helistooda maadaama si qoto dheer looga wada-tashanayo.

Dhammaan mas’uuliyiintii iyo haweenkii kala duwanaa ee ka hadlay shirka ayaa cod midaysan ku soo dhoweeyay in laga wada-tashado caqabadaha haweenka iyagoo wasaaradda ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jirto u qareemidda iyo ilaalinta xuquuqda haweenka Puntland.

Wasaaradda horumarinta haweenka iyo arrimaha qoyska Dowladda Puntland marwo Aamina Cismaan Xaaji Jaamac eoo kulanka soo xirtay ayaa sheegtay in ay wasaaradda ka go’antahay in ay codkooda dhegaysto haweenka Puntland ee ku nool degaannada kala duwan si loo ogaado cid kasta iyo caqabadaha u gaarka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in shirka looga golleeyahay in haweenka Puntland lagala tashado caqabadaha ka haysta dhinacyada kala duwan habka looga gudbi karo si loogu daro qorshaha horumarinta 5-ta sano ee xukuumadda Puntland ay haatan dejinayso.

IMG_20190307_175802_394.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175557_418.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175647_030.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175319_174.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175536_834.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175158_194.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175127_322.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175057_985.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_175023_890.jpg?w=1000&ssl=1 IMG_20190307_174504_255.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoowe: Wasaaradda haweenka Puntland oo qabatay kulan loogu gogol xaarayo 8-da Maarso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this