Sign in to follow this  
Deeq A.

Somalia oo QM u gudbisay qoraal jawaab u ah beentii ay Kenya faafisay (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dalalka xubnaha ka ah QM u gudbisay warbixin ku saabsan xiisadda Soomaaliya iyo Kenya ee badda, islamarkaana jawaab u ah beenta ay Kenya faafineyso.

Qoraalka Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya ee QM, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa dalalka caalamka loogu sheegay in Kenya ay dalalka caalamka u gubineyso been ku saabsan hab-dhaqanka Soomaaliya ee dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Qoraalka Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo warbixin ku saabsan “muranka badda” ee kala dhaxeeysa Soomaaliya, kuna xoojineyso dooddeeda u gudbisay qaar ka mid ah dalalka xubnaha QM iyo Golaha Ammaanka Midowga Afrika.

“Kenya waxa ay si aan sax ahayn u sheegtay in Soomaaliya ay iibineyso xirmooyin shidaal oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay. Kenya waxa ay sheegashadan aan saxda ahayn dalalka iyo ururada caalamiga ah u gudbisay 22-kii febraayo” ayaa lagu yiiri qoraalka.

“Soomaaliya waxay Kenya u gudbisay 25-kii febraayo waraaq ay ugu xaqiijineyso inaysan iibin islamarkaana iibin doonin wax xirmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Kiiska Soomaaliya iyo Kenya ee muranka badda wuxuu hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, waxaana mar kale la dhageysan doonaa September 2019, ayada oo go’aankana la filayo sanadda 2020 gudaheed. Soomaaliya waxay Kenya u xaqiijisay inay u hoggaansami doonto go’aanka maxkamadda”

Hoos ka arag qoraalka

qoraal-ergo-qm-696x949.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this