Sign in to follow this  
Deeq A.

Wer-werka Dib U Dhaca Doorashada Golaha Wakiillada Oo Bilawday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiyada Somaliland ayaa weli kala taaggan Mawqifkooda kala fog ee arrimaha doorashooyinka waxaana soconaya wakhtiga oo ku sii siqaya xilliga loo muddeeyay doorashada Golaha Wakiillada loo muddeeyay dhammaadka 2019. Waxa aan waxba laga qaban caqabadaha waaweyn ee hor taaggan qabsoomidda doorashooyinka kuwaas oo ay ka mid yihiin muranka Komishanka, xal u helidda khilaafka saami qaybsiga Wakiillada, dib u furidda diwaangelinta, sii daynta dhaqaalaha doorashada ee beesha caalamka iyo arrimo kale kuwaas oo culayskooda leh.

Guddoomiyayaasha-Xisbiyada-Somaliland.pn

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Dheeg oo ka mid ah xubno Golaha Guurtida ka tirsan oo doonayay in la kordhiyo wakhtiga muddada loo kordhinayay Wakiillada si loo helo wakhti fiican oo doorashada loogu diyaar garoobo ayaa shalay sheegay in ay iska cadday in mar kale la kordhin doono wakhtiga doorashada.

Waxa uu sheegay in wixii maalintaas u muuqday maantana taaggan yihiin lana gaadhi doono wakhtiga doorashada iyada oo aan waxba la qaban Karin “Maalintaa marka ay gaadho ayuun baa la odhan doonaa Golaha Guurtidow kordhi laba sano oo kale qabsoomi weydee halkaa maanta ay taagan tahay qabyada oo taagan, saw maalintii dhaweyd lama odhan yey soo gelin todobaadaa nin oo dadka beenta aan ka dayno, Komishankii ayaa noo warramay oo yidhi intay saddex-da Xisbi col yihiin ay kala jeed-jeedaan gaaladu wax-ba na siinmayso,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Xisbiyada Somaliland oo u muuqda kuwo madaxa u buuxinaya beesha caalamka ee danaysa doorashooyinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay yeeshay kulamo aanay waxba ka soo bixin. Sida uu sheegay Musharrax xigeenka UCID waxay kulamadaasi daarnaayeen sidii ay dhinacyadu isugu soo dhawaan lahaayeen.

Wefti ka socday Midawga Yurub oo arrimaha doorashada danaynayay ayaa hoggaanka Saddexda Xisbi la yeeshay kulamo gaargaar. Xisbiyada ayaa mawqifyadooda kala fog hor dhigay weftiga reer Yurub.

Guddoomiyaha ku Meelgaadhka ah ee WADDANI Cabdiqaadir Jirde ayaa sheegay in ay weftiga Yurub u gudbiyeen mawqifkooda ah in la kala diro Komishanka“Anagu waxaanu u sheegnay in aanu doorashada diyaar u nahay Komishankana aanu doorashada qabanayn oo saacaddiiba ka dhacday oo waa tan Guurtidu ka saartay marka si Komishanka cusub wakhti loogu helo in Komishankani kala tago iyo in la kordhiyo Komishanka oo labadii xisbi ee anaga iyo UCID ba aanu isku raacnay qoladana la qaadatay taana qaabka loo kordhinayo iyo sida loo qaybsanayo waa laga wada hadli doona laakiin, labada qodob ba waanu aqbalay; in Komishanka dhakhso loo kala diro inta aanu wakhtigu ka dhammaan si qolada cusub ee soo socota wakhti u hesho ay doorashada ku qabato,” ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Musharrax xigeenka xisbiga UCID Maxamed Cabdi Abyan waxa uu sheegay in weftiga Yurub u sheegeen in ay ku hawlan yihiin isu soo dhaweynta WADDANI iyo KULMIYE oo mawqifyo kala fog taaggan waxaanu tilmaamay in wakhtigu soconayo “Wakhtigu aad buu inooga dheeraynaya doorashadiina wakhtigeedii wuu ina haya, marka arrintaas ayaanu aad uga hadalnay oo ay naga waraysteen halka aanu ka taaggan nahay aad baanay u ammaaneen hawsha aanu qabanay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Abyan.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE ayaa isna sheegay waxa ay u bandhigeen weftiga Reer Yurub “Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Axmed Cabdi Dheere.

Tan iyo markii golaha guurtidu doorashada u cayintay dhammaadka 2019 oo ahayd wakhti xisbiyada oo dhan isku waafaqsan yihiin waxaan jirin wax dhaqdhaqaaq ah oo ay samaynayso xukuumadda talada hayso oo ku wajahan qabsoomidda doorashada. Waxa kale oo ay u muuqata in xilliyada ay imanayaan wufuud reer Galbeed ah la abaabulo kulamo ay xisbiyadu yeeshaan si xukuumaddu ugu dooddo in laga wada hadlayo khilaafka asxaabta u dhexeeya ee dhanka doorashooyinka laakiin, wakhtiga ayaa u socda si xawaare leh.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this