Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe iyo Kheyre oo heshiis galaya iyo wafti gaaray Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa la filayaa inay heshiis ku kala saxiixdaan magaalada Kismaayo, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online.

Wafti uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Xasan Cali kheyre ayaa la filayaa in berri ay tagaan magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.

Dowladda iyo Jubaland ayaa dhowaanahan waxaa u socday wada-hadallo hoose oo badankood ka dhacay magaalada Nairobi, waxaana la sheegay in inta badan ay is-afgarteen islamarkaana heshiis rasmi ah lagu gaari karo safarka Kheyre ee Kismaayo.

Wafdi hordhac u ah ra”iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulkan Jubbaland.

Sidoo kale, ciidamo khaas ah oo la socday diyaaradda kuwaas oo qeyb ka qaadanaya sugidda amniga ra’iisul wasaaraha ayaa maanta gaaray Kismaayo.

FB_IMG_1551954206795.jpg FB_IMG_1551954209619-1.jpg FB_IMG_1551954324745.jpg FB_IMG_1551954327803.jpg FB_IMG_1551954330586-1.jpg FB_IMG_1551954367140.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this