Sign in to follow this  
Deeq A.

Hordhaca Horyaalka-Maxaa Kala Haysta Kooxaha Dekedda Iyo Elman Oo Leh Kulan Adag

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda horyaalka xafidanaysa horyaalka Somalia Premier League ee Dekedda ayaa kulankii afaraad horyaalka wajahaysa dhigeeda Elman oo oalahan soo bandhigtay qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay.

IMG_4179-300x169.jpg

-Dekedda ciyaartii u dambeesay horyaalka waxa ay 2-0 kaga badiyeen xidigaha fasal ciyaareedka u soo gudbay horyaalka Somalia Premier League ee Midnino,kooxda Tababare Yuu-Cali waxa ay xaadir ku yihiin kaalinta 1-aad,iyagoo leh 10-dhibcood.

IMG_4235-300x169.jpg

-Kooxda Elman kulankoodii u danbeeyay horyaalka waxa ay guul daro 1-0 ka soo gaartay xidigaha naadiga wasaarada warfaafinta ee Madbacada Qaranka,Elman waxa ay fadhisaa kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka waxayna lee dahay 8-dhibcood.

IMG_4118-300x169.jpg

-Dekedda waxaa kulanka caalamada jaalaha ama (Yellow Card) kaga maqan weeraryahankooda Zakariye Towfiiq sidoo kale Dekedda waxaa macquul ah in uu san kulanka kasoo muuqan laacibka reer Kenya Reymond Mongi.

IMG_4153-300x169.jpg

-Kooxda Elman ma jiraan waxa Ciyaartooyda oo kulanka kaga maqan dhaawac ama sabab kale taasi rajo wanaagsan u ah taageerayaasha kooxda.

IMG_4118-300x169.jpg

Cabdiqaadir Siidow Cali (Seyga Ruushka) waxaa ka mid ahaa xidigihii labadii sano lasoo dhaafay kooxda Dekedda kula soo guulaystay horyaalka,isagoo sidoo kale soo noqday kabtanka kooxdii Gobolka Banaadir tartanka Maamul-Goboleedyada 2016,balse iminka isaga uu xeran maaliyada Elman ayuu ka hortagayaa kooxdiisii hore ee Dekedda.

201672263604800837760280613819787_107747

Is Aragii U Danbeeyay Labada Koox

05/02/2018      Dekedda SC   1:0       Elman FC

05/04/2018      Elman FC        3:0       Dekedda SC

03/03/2017      Dekedda SC   0:0       Elman FC

01/02/2016      Elman FC        0:1       Dekedda SC

26/04/2016      Dekedda SC   3:0       Elman FC

29/12/2014      Elman FC        1:1       Dekedda SC

27/03/2015      Dekedda SC   2:0       Elman FC

18/06/2012      Elman FC        4: 0      Dekedda SC

08/10/2012      Dekedda SC   2:3       Elman FC

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Soomaliya 2016-2017
Kooxaha:-Dekedda VS Elman                                                                                                                                Taariikhda:-07-03-2019
Maalinta:-Khamiis                                                                                                                                                Saacada:-3:45pm
Cimiladda Xiliga Ciyaarta: -31°-26°C                                                                                                                  W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this