Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqoonyahan Caalim “Farmaajo Wuxuu Caalamka u Muujiyey In Kenya Saxan Tahay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Caalim oo u warammay Goobjoog, wuxuu sheegay in madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu ku fududaaday safarkii uu ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxa uu sheegay in safarkaasi uu caalamka u muujiyey in Kenya ay gar lahayd oo Soomaaliya ka qaldaneed maadaama madaxweyna dalka uu Kenya u tagay.

Caalim ayaa sidoo kale sheegay in suurtagal tahay waxa laga wadahadlay iney ku jiraan arrinta dacwadda badda ee Labada dal u dhaxeysa.

Sidoo kale, Caalim ayaa sheegay in loo baahnaa madaxweynaha inuu la tashi sameeyo oo aanu qaadan go’aan isaga u gaar ah, heshiiskii uu la gaaray Uhuru Kenyatta laga yaabo inuu wax ka bedalo dacwaddii dhanka badda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/03/WAREEYSI-AQOONYAHAN-CAALIM-.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this