Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax xooggan ayaa maanta waxa uu ka dhacay nawaaxiga Taallada Xaawa Taako ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Koontarool ay ciidamada dowladda ku baaraan gaadiidka oo halkaasi ku yaallay.

Afar qof ayaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ku dhinteen iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Dadka waxyeellada soo gaartay ayaa u badan shacab halkaasi ku sugnaa, waxaana halka qaraxa uu ka dhacay ku yaallay maqaayado iyo sidoo kale goobo kale oo shacabka tagaan.

Xaaladda guud hadda waa ay deggan tahay, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe noqday mid faraha kasii baxay, waxaana magaalada kusoo batay qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this