Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahino Ka Soo Baxaya Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Sida ay ku soo waramayaan goob joogayaal waxaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoyada xaawa taako iyo daljirka dahsoon.

Qaar kamid ah wariyayaasha Shabelle oo ku sugan agagaagrka uu qaraxa ka dhacay ayaa soo sheegaya in qaraxa ay ka dhasheen qasaarooyin u badan dhaawacyo,islamarkaana uu saameeyay goobo maqaaxiyo ah oo u dhaw meesha ay wax ka dheceen.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta bar koontarool oo ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya kau leeyihiin afaafka hore ee isgoyska xaawa taako ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa xiraya dhamaan wadooyinka soo gala halka ay wax ka dhaceen,iyagoo baaritaano xoogan ka wada halkaasi.

Gaadiidka gargaarka degdega ee ambalaasta ayaa lagu arkayaa meesha ay wax ka dhaceen,iyagoo soo daad gureenaya dhaawacyada ka dhashay qaraxaasi.

Wariyayaasha ayaan loo ogoleen in ay tagaan barta uu qaraxa ka dhacay

Wixii ku soo kordha halkan Radioshabelle.com kala soco.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this