Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta Qarax xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaara tiyaatarka qaranka, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib rasaas xoogan ayaa laga maqlay goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana la ogeyn ilaa iyo hadda waxyeelada.

Qaraxa ayaa ka dhacay Goob ciidamada amaanka ay ku baaraan gaadiidka aada dhanka madaxtooyada, waana meel ku dhow taalada Xaawo Taako.

Ciidamada amaanka ayaa goobta isku gadaamay iyaga oo durba dadka ka celinaya halka uu qaraxa ka dhacay.

Shacabka iyo wariyaasha ayaa loo diiday goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana soo baxaya warar sheegaya in qarax kale uu yaalo goobta ay wax ka dhaceen.

1-2.jpg 2.jpg 3-2.jpg

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this