Sign in to follow this  
Deeq A.

Warar dheeraad ah oo kusoo kordhaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, kaasi oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Waxaa jirto cabsi kale oo laga qabo in goobta qarax kale uu ka dhacay, maadaama sida la sheegay in gaari laga shakisan uu yaalo goobta qaraxa koowaad uu ka dhacay.

Lama hayo ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala eegtay gaadiid ku dhawaa agagaarka Maqaayadda Dalsan oo ku dhow goob ciidamada ay gaadiidka aada madaxtooyada ku baaraan.

22 December sanadkii 2018 ayay aheyd markii isla goobtaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay dhimashada dad badan oo ay ku jireen Shaqaale ka tirsan TV-Ga Universal, waxaana kamid ahaa Alle Ha u naxariistee Cawil Daahir Salaad.

Waxyeelada ugu badan ayaa qaraxa maanta wuxuu u geystay dad ku sugnaa maqaayadda Dalsan iyo agagaarkeeda.

Ku dhawaad Shan ruux ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay maanta agagaarka diyaatarka Qaranka, waxaana jiro dhaawac intaasi ka badan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this