Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo Xallisay Tabashadii Kalluumeysatada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Puntland ayaa sheegay iney xalliyeen tabashadii ay qabeen kallumeysatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland Faarax Cawaash ayaa sheegay in markii hore Kalluumeysatada loo sheegay been ah in aan Kawaan kale la siineyn.

Kawaanka cusub ee lasiiyey Kalluumeysatada ayuu sheegay inuu yahay mid ka casrisan kawaankii hore, walibana aad uga nadaafad badan.

Labo maalin oo xiriir ah, Kalluumeysatada ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa dhigay banaanbaxyo ay kaga cabanayeen wasaaradda Kallumeysiga, kadib markii la faray iney isaga guuraan kawaankii ku dhexyaallay dekadda Boosaaso.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this