Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xalay lala eegtay gaari dagaal oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay gaarigan oo marayey nawaxiga xaafadda Galmudug ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen Hal askari, Labo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana burbur uu soo gaaray gaarigii ay askartan la socdeen.

Ciidamo ka tirsan DFS oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa waxay ay sameeyeen howlgallo aan cidna lagu qaban.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this