Sign in to follow this  
Deeq A.

Dil Iyo Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Koox ku hubeysan bastoolado oo watay gaari nuuca raaxada ah ayaa xalay haweeney ku dilay agagaarka isgoyska Maanabooliyo dhanka degmada Boondheere.

Haweeneyda la dilay oo magaceeda lagu soo koobay Baxsan Boolaay ayaa ganacsi ku laheyd agagaarka isgoyska Maanabooliyo,waxaana durba goobta isaga baxsaday kooxihii dilka fuliyay.

Warar kala duwan oo ka soo baxaya dilka haweeneydan ayaa sheegaya in ay horay gudomiye waaxeed uga soo noqotay maamulka degmada Boondheere,halka kuwa kale ay tilmaamayaan in ay kamid aheyd ergadii soo xushay xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Laamaha amaanka ayaa dilka kadib gaaray goobta dilka uu ka dhacay,waxayna howgalo ay ka bilaabeen xaafadaha ku dhaw isgoyska Maanabooliyo,mana jirto faahfaahin maamulka degmada Boondheere ay dilkaasi ka bixiyeen.

Dhinaca kale duleedka Muqdisho,gaar ahaan agagaarka xaafada lagu magacaabo Galmudug ayaa ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya lagu beegsaday qarax miino uu dhulka lagu aasay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ka dhasheen qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac,hal askari ayaa la sheegay in uu ku dhinay qaraxaasi halka mid kalana uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray halka qaraxa uu ka dhacay,waxaana ay baaritaano ka sameeyeen xaafadda Galmudug,balse ma caddaa hadii dad lagu soo qabtay baaritanadaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this