Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudooomiyaha Guddiga Doorashooyinka Oo Dhaliishay Qaar Kamid Ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN)- Gudooomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yareey ayaa sheegtay in qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan diyaar u aheyd doorasho qof iyo cod ah.

Xaliima Yareey ayaa tilmaantay in bulshada Soomaaliyed iyo ururada haweenka ay u diyaar garoobaan doorasho qof iyo cod ah,iyadoo dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay la shaqeyso guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ayaa hardan culu uga jira sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho qof iyo cod ah,maadaama dalka uu galay nimaad asxaab,sidaas darteedna ay mauhiim noqoneyso in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Gudooomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliima Yareey ayaa hadalkaasi ka jeedisay munaasabad lagu soo xirayay shir weynaha qaran ee haweenka Soomaaliyed oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya.

Dhageyso Codka Xaliima Yareey:-

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/03/xaliimo-yareey-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this